Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa go'aan ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku caddaysay in ay Nicholas Haysom oo ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya si rasmi ah uga eriday waddanka. Isla markaasina, u aqoonsatay "Persona Non Grata".
Haddaba, Maxay tahay "Persona Non Grata"?. Iyo cilmiga diblumaasiyadda ujeedooyinka laga leeyahay. Waxaanan sidoo kale yar iftiimin doonaa awoodda sharci ee waddan walbaaba u leeyahay tallaabada "Persona Non Grata".
Asal ahaan weedhan odhanaysa "Persona Non Grata" waa weedh Laatiini ah; taas oo luuqadda Englishkana ku noqonaysa "Person not appreciated" qofkan looma bogin. Haddii aan markale fiirino qaamuuska "Merriem Webister" waxa uu weedhan ku macneeyay "Personally unacceptable or unwelcome". Oo micneheedu noqonayso qofkan lama oggola.
Iyadoo la tixraacayo nuqulka sagaalaad ee heshiiska xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Vienna kaas oo Midowga Quruumaha ka dhaxaysaa ansixisay sannadkii 1961kii. Heshiiskan oo loogu talagalay in laga dheehdo habka iyo hannaanka ay u dhaqmayaan ama loola dhaqmayo diblumaasiyiinta waddanada kale u jooga shaqooyin matalaad Sida: Safiirada, ergayada iyo wakiilada hay'addaha madaxa bannaan sida Qaramada Midoobay.
Heshiisku waa heshiis aad u ballaadhan oo ka kooban 53 nuqul. Balse, waxa haddeer ina khuseeya qormada sagaalaad (Article 9) oo sheegaysa sida tan:
Qormada sagaalaad: Waddanka martida loo yahay (Host country) waxa uu wakhtiga uu doono iyo sobobta uu doono u aqoonsan karaa xubin ka mida xubnaha diblomaasiyadeed "Persona Non Grata". Ciddii soo dirsatayna waa inay si dhakhso ah iyo wakhti cayiman wakiilkan uga saarataa waddanka haddii kale, waxa uu qofkani lumin karaa awoodda sharciga ah ee waddanka ka hor joogta inay xidhaan ama waxyeeleeyaan (Diplomatic Immunity).
Awoodda noocan ahi aalaaba waa awood dastuuri ah oo waddan walbaaba leeyahay, Waxaan xasuusanaynaa marka aanu maqalno "Persona Non Grata" go'aankii xanafta ku yeeshay Ruushka ee Madaxweynihii hore ee maraykanku Barack Obama qaatay kuna dareeriyay 35 diblomaasi oo ruush ah. Isaga oo madaxweynuhu kiiskiisa u cuskanayay eedaymo la xidhiidha in ay hayaan hawlo ka baxsan hawlaha diblomaasiyadeed ee ay kusoo dhabbaraan, waxaanu madaxweynuhu siiyay muddo 72 saacadood ah in ay iyaga iyo reerohooduba kaga baxaan Maraykanka.
Asal ahaan waxaa jira arrimo dhawr ah oo keena in ay cid gaar ah kala laabtaan kalsoonida isla markaasina ku dhawaaqaan "Persona Non Grata".
Tusaale ahaan in ay diblomaasiyiintu farogelin ku sameeyaan arrimaha siyaasadda waddanka, kuxadgudubka shuruucda waddanka oo si rasmi ah ugu reebtoon heshiiska Vienna ee xidhiidhada iyo diblomaasiyadda caalamka. Iyo sobobo kale oo badan.
Sida ay qortay ALJAZEERA Nicholas Hisome waxa uu si qaawan u faro geliyay arrimaha ammaanka gaar ahaanna Kiiskii Mukhtar Robow ee ku sinnayd 13kii December oo uu dawladda wax ka waydiiyay hannaanka sharci ee ay u martay xidhitaankiisa. Waana tan sobobta ugu weyn ee ay ilaa hadda Dawladda Federaalka Soomaaliya u cuskanayso caydhinta ergaygan.
Inkasta, oo marka la falanqaynayo cilmiga diblumaasiyadda arrintani yeelan karto dhawr weji haddana saansaanta farriintani waxa ay noqon kartaa mid u muuqata awood muujin, oo Dawladda Federaalka Soomaaliya sharaf u ah.
Nicholas Hisome waxa uu in badan usoo shaqaynayay Hay'adda Qaramada Midoobay isaga oo heerar nabadayn oo aad u sareeya kasoo kala qayb qaatay. Waxaanu dunida ku leeyahay mansab diblumaasiyadeed oo aad u sareeya. Waxaana layaab mudan go'aanka ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay ergaygani isaga oo muddo 5 bilood ka badan aan joogin xafiiska.
Kamaal Hassan Adnan