Hadda ilaa yaraantii waxaan ahay dadka aaminsan siraha nolosha, waddooyinka gaagaaban ee soo yareyn kara orodka dheer iyo mucjisooyinka dhaca daqiiqadaha u dambeeya. Waxaan ahay qof aan luuqaddiisa ku darsan erayga quusashada ama niyadjabka, waxaan isu aqaanaa inaan ku jiro dadka sida hoose u aaminsan jiritaanka dareeenka lixaad, waana kan qodobbada sare oo dhan ii sheega.
Wakhtiyadii aan bilaabay waxbarashada ee aan dhigan jiray dugsiyada hoose/dhexe, macalinkeyga u weyni aabahay ayuu ahaa, maadooyinka wakhtiyadii aan yaraa uu aadka iiga dhisi jiray waxaa ka mid ahaa luuqadaha iyo xisaabta, si xoog ah ayaan ugu wanaagsanaa luuqadaha, laakiin xisaabta ma aanan jeclayn, tani waxa ay igu dhalin jirtay inaan marwalba aabahay su'aalo wax ma iiga sheegi kartaa haddii ay jirto sir ku dhex jirta cutubkan? Waddada gaaban? amase sida ugu sahlan ee aan waxan ku fahmi karo?.
Dabcan waa waydiimo ay caddahay inaan loo helayn jawaabo, waayadii dambe markii aan weynaaday ayaan dareemay in arrimahani ay yihiin suaalo wanaagsan oo u baahan jawaabo waafiya, helitaankooduna ay tahay sir kale.
Maalinwalba oo noloshayda ka mid ah waxaan diiwaangeliyaa sir nololeedka aan fahmo, waxa aan ogaaday in sirta ugu weyn ee dunida guudkeeda taallaa ay tahay xikmadda ah "Gaadhidda Dhammeystirnaanta".
Dhammaystirnaantu haddaba waa sifo Rabbaani ah oo ALLE WEYNE mooyee cid kale aanay tiigaali karin, aadmigase waxa guushooda weyni tahay in ay u dhawaadaan dhammeystirnaanta, oo lagu gaadho in la iska mooso gal-daloolooyinka shakhsiga ah iyo iinaha qofkaasi leeyahay.
Si taas loo xaqiijiyona sirta ku duugani waa waxbarashada; waxbarashada naftaada, waxbarashada guud ee nolosha, barashada dadka, deegaanka iyo dawgaba. Intaas oo aad fahamto, barato oo aad baadhis intaas keddibna dabbaqdaa waxa ay kuu gogol xaadhaysaa inaad noqoto qof dheellitiran oo si wacan u noolaada.
Guntii iyo gebogeboddii, nolosha aadmigu waa cibro iyo waxbarasho maalin kastana aadanuhu waxa uu la kulmaa dhacdooyin cusub kuwaas oo mudan in wax laga barto isla markaasina wax badan laga faa'deysto, intaas oo aad fahamtid, diiwaangelisid oo aad dhuuxdid baa xikmad iyo sir kuugu filan.
Kamaal Hassan Adnan