Monday, June 25, 2018

26 - June 1960

"Sarreeyoow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eegnee
kanna siib kanna saar"
Cabdilahi suldaan timo-cade 26 June 1960.

Maanta waa maalin maalmaha kale ee sannadku ku abtirsado wax u dheer dhammaanba shacbi waynaha waddanka, waa maalin aanu dhulkii ab iyo isir u lahayn ka caydhinay saan-cadaalihii Ingiriiska, waa maalin la rumeeyay halgan socday kontomeeyo sano, waa maalintii hashii Maandeeq ay godlatay.

58 sano kahor 1960kii ayaan jeedaaye, waxa geyigan haystay kana talin jiray maxmiyaddii Ingiriiska oo gumaysi shacbiga iyo dhulka ku haysatay, go'aan ay qaateen shucuubtii wakhtigaasi noolayd iyo halgan dhidid, dhiig, iyo dhimashoba leh loo maray kaddib waxaa lagu guuleystay in si buuxda oo dhammaystiran looga saaro dhulkan.

Laga yaabaa taariikho kale in aanu ku faanno balse taariikhdani waa taariikhda kaliya ee shacabka guud ahaanba midaysa, waa taariikh sooyaal wacan oo wanaagsan ka tagtay, waa taariikh xanuun iyo xanaf toona aan ka tagin, balse waa taariikh sharaf iyo karaamo nagaga tagtay.

Aabahay waxa uu ii sheegay maadaama aan ahay muwaadin ku dhashay una dhashay waddankan inay muhiim iyo lagama maarmaan tahay in aan xuso maalintaas dahabiga ah, aniguna ilmahayga iyo ilmihiisa (oo aan awow u noqon doono) waxaan u sheegi doonaa in ay maalintani tahay maalin muqaddas ah oo dhawrsoon, kana duwan maalmaha kale ee guud ahaanba sannadka.

In badan bay maansoodeen suugaanyahannadu si ay u sharraxaan qiimaha xorriyada, iyadoo ah ta qofka bani aadamka ah u samaysa farxadda iyo qanaacada dhandhansiisana micnaha buuxa ee bani aadimnimada iyo jiritaankaba

Waxaa maankayga kusoo dhacaya gabaygii xorriyada ee uu qoray Axmed shawqi oo uu kulahaa (العز كل العز بالحرية) cisiga iyo sharafta dhammanteed xorriyaday ku dhantahay.

Maadaama sharafteennu tahay shayga ugu qaalisan, karaamaduna tahay shay Rabbi ina siiyay aadanuhuna aanay inaga qaadi karin, waxaa muhiima in loo dagaalamo xorriyadda!! Taas waxaan ka wadaa in aan waynayno maalintaas muqadaska ah ee shacbigeennu ku guulaystay in la helo xorriyad.

Xorriyaddu waa shayga kaliya ee ku badaya in aad qubto dhibicda u dambaysa ee dhiiggaaga si aad u hesho, balse haddiiba aan gacanta ku hayno waa inaan xusnaa maalintii lagu guuleystay iyo ciddii ku jiilasha ka dambaysa darteed halgankaas u gashay.

26-JUNE-2018
Kamaal Hassan Adnan


1 comment:

  1. Aad ayan ugu faraxsanhy in la helo dad udhaqdhaqaayaya doonista shacabka, Wxna bogaadin iyo hambalyo heerkedu srayso u diryaa dhamanba bulsho wanta s/land meelkastooy joogan, una shegayo in ay waajib qaran ku tahy xusidda malinka barakyzay ee muqaddaska ah.

    ReplyDelete