Waa habeen caddo ah, haddeer uunbaan kasoo hor kacay shaashadda koombiyuutarkayga, guuxa maskaxdayda ka baxaya darteed ayaan damcay inaan daaradda gurigaya woxoogay iska yar fadhiisto oo aan nafta la yar shawro. Waxaa indhahaygii dabray dayaxaa dhalaalka badan ee waxaas oo iftiin ah bixinaya Raxmaankii abuurtay awooddiisa ayaan cabbaar u khushuucay.
Wuxuunbaan is weydiiyay. Kamaalow, immaka ma run baa oo dad baa dayaxaas gaadhay. Sida Nile Armstrong iyo rag kale oo badan. Maskax badnaayaa.
Kasokow intaas, anoo la yaabban ninkaas awooddiisa iyo aqoontiisa oo ka fakaraya kartidiisa ilaa dayaxa dul geysay ayuumbaan xasuustay. Ninkii odayga ahaa ee Kaamil Al Keylaani oo qoray sheekadii "1000 Habeen iyo Habeen" wuxuu isticmaalayay baalka shimbirta iyo khad samays ah si uu u qoro sawaxan ka dhex guuxayay quluubtiisa iyo caqligiisa. Intaas uu qallinka u qaatay ayaa keentay in ilaa boqolaal sano kaddib sheekooyinkiisii la akhristo. Ma xasuusatay hadalladii Cabdi Sinimo ee odhanayay "Wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay?" hayaay, dadkani malaha way is ogaayeen, mise waa luuqaddii taariikhda. Kasoco
Waxaan lasii yaabay Imaamu Shaafici oo laga soo wariyay in uu hal habeen 18 jeer shitay faynuuska si uu u xalilo hal masalo. Layaab badnaa oo maskaxdiisuna cajiibsanaydaa.
Sheekadii caanka ahayd ee "Romeo & Juliet" iyo sheekadii kale ee "Hamlet" oo uu labadaba qoray qoraagii weynaa ee "William shekispeare" ayaan haddana xasuustay waxaan is weydiinayay halkuu waxan oo xikmad iyo mala'waal ah ka keennay ma waxa uu akhristay buugaagtii Qasaali ee falsafadda.
Ninkii odayga ahaa ee "Isak Newton" ma tufaax kaliya ayaa ku kallifay inuu soo saaro qaacidada "is-cuf jiidashada dhulka" Haa!!. Malaha sheekadu waa samays. Qushi'e odaygu dhayal ma ahayn nin maskax badan buu ahaa haddiiba uu ka gun gaadhay.
Waxan oo hadal ah waxaa iga keenay. Wixii Cantara Binu Shadaad gabayada dhaadheer ka keenni jiray oo ah dareennada damqashada iyo isbeddel doonka.
Halka farriin ah ee aan kusoo gabogabeynayo qoraalkeygani waa,
"Dadkii hore sooyaal ayay innooga tageen anfac leh taasina waa ta keentay in ummada maanta dunida guudkeeda ku dul nooli ay tanaado. Innaguna waa inaan diyaar u noqonnaa sidii aan arrintaas usii wadi lahayn".
W/Q: Kamaal Hassan Adnan
Thank you kamaal my model
ReplyDeleteYou remember me something I wrote in 2014😊