Saturday, December 8, 2018

Tumaan anigu jeclahay

Suurogal marnaba ma noqon karto in xaashi cad lagu dul qoro qalin midabkiisu caddaan yahay, haddiiba ay dhacdona waxaan suuroobayn akhrintiisa. Mafhuumka jacaylka iyo kalgacaylka ee amminteennu wuu ka duwanyahay ka dhabta ah ee uu leeyahay.

Dhammaanba dareennada bani aadamku waxa ay kasoo unkamaan wadnaha (qalbiga), marka aynu murugaysannahay waa khafiif, marka aynu faraxsannahay si wacan oo daggan baa u shaqaynayaa, marka aynu cadhaysannahayna waa cuslaadaa. Taloow marka jacaylku wadnahaas ku dhoco sidee ayuu noqonayaa? Ma intuu casaan jaamuda noqdo ayuu saddex gees noqdaa sida aynu filimaanta ku aragno!!!!

Middan kale ee xusida mudan ayaa ah, in qofka toosh qaata wakhti duhur ah uu keliya dabka tooshka iska dhammaynayo oo uusan wax faa'iido ah ku haynin. Taas waxaan ka wadaa jacaylka wakhtigan jiraa waa tooshka cadceed lagu qabtay oo kale.

Su'aasha isweydiinta mudan waxa weeyi; Taariikhda sheekooyinka jacaylka ee aynu maqalnay waa yaryihiin sida Romyo iyo Julyet, Qays iyo Layla, Cilmi iyo Hodan, Juuda akbar iyo kuwo kale oo faro ku tiris ah. Badiba kuwaasna caalamka waala isla wada yaqaanaa. Laakiinse, haddii aynu barbar dhigno wakhti xaadirkan waxaad arkaysaa in 10ka qof ee kuugu dhow asaxabtaada Shan ama Lix ka mid ahi jacayl hayo ama loo hayo.
Markaa ma dadkii horaan jacayl aqoon mise arrin kale ayaa meesha taalla, timirba laf baa ku jirtee.

Dhagaxa iyo dheemanta halka farqi ee u dhexeeyaa waxa weeyi, dhaguxu meel walba waa yaallaa, se dheemantu meel walba ma taallo. Waana kan oo kale farqiga u dhexeeya jacaylkii hore iyo kan maanta.

Jacaylkii hore waaloo dhiman jiray kanise waa lagu dheelaa,

Cilmi Boodhari jacayl dartiis ayuu u dhintay sida ay taariikhdu xustay, middaas waxaan ka dareemaynaa in maadaama uu hal qof jeclaa aanu jacayl kale daaye noolaan karin; immika se, waa xalay jacayl hore,  caawana jacayl cusub.

Arrimaha noocan oo kale ahi waxay kugu kalifayaan inaad tidhaahdo "Jacaylku xaashe'e wax jira maaha" laakiin ukaadi!! Nabigeennu NNKH soowkii lahaa "Alle ayaa jacaylkeeda igu arsaaqay" isagoo jeeda khadiija.

Markaa, dabcan waa wax jira. Waayahay'e maxaa la yeelayaa haddeer?

Taariikhda aynu kusii yar daadagno si aynu u ogaano halka ay sartu ka qudhunsantahay aynu yar daalacanno bilowgii nolosha bani aadamka ; ilaahay markii uu keenayay dunida Xaawa iyo Aden labada daraf ee dunida ayaa la kala dhigay kalgacaylka dartiisna sidii ay isugu soo cararayeen waa ay is heleen.
Jacaylku waa dareenka noocaas ah oo kaa keeni kara cidhifka dunida kuna geyn kara cidhifka kale.

Middan waxaan ka wadaa jacaylku waa awood aan dhayal ahayn oo ruuxdaada gelin karta karti iyo kalsooni, jacaylka wakhtiganise caynkaas maaha oo wuxuu ku badayaa inaad fikir iyo wakhti lumin kusoo koobto noloshaada.

Qushi'e ANIGU YAAN JECLAHAY?

Qalbigu kuma hadlo luuqadda Soomaaliga, ingiriiska, walaa carabida se waxa uu ku hadlaa luuqad loo yaqaanno "Luuqadda dareenka iyo isfahanka". Haddaan si kale u dhigo luuqaddani waa luuqad ka samaysan dareen, ku qotonta kalsooni iyo is fahan. Dadka mucaashaqiinta ah ee kalgacalku mideeyo uma baahna inay dhawaaq bixiyaan si ay isu fahmaan keliya waxay u baahanyihiin inay indhohoodu is qabtaan si ay isu fahmaan.

Ruuxdu waxay u baahantahay dhiirrigelin, dardargelin daryeel iyo damqasho. Intanba inanta aan jeclahay waan ka helay. Habeen walba inta aan hurdo waxa ay iiga sheekaysaa qorsheyaasha berri ii yaalla waxay ila gorfeysaa wixii aan maanta gafay iyo wixii aan guday. Waa macallimadayda nolosha.

Intaan soo jeedo haddaan eego darbi ama gidaar bilaa midab ah waxa ay ii sawiraysaa aniga oo gaadhay himiladaydii.

Gacanta midig ma shaqayn karto la'aanta gacanta bidix. Sidaasina waa sida loo baahanayahay inay ahaadaan dadka mucaashaqiinta ahi.

Sida roobku dhulka u nooleeyo, cibaadaduna wejiga u nuuriso oo kale ayaa loo baahanyahay inay isu dhammaystiraan lammaanuhu.

Caynkaas weeji jacaylku aniguna waxaan jeclahay inan sifooyinkaas buuxisay, waa hummaagga aan ka haysto gabadha aan jeclahay oo aan weli jirin.

W/Q Kamaal Hassan Adnan

11 comments:

  1. Qormadani aad ayey ii soo jiidatay Sifiican ayaad u sharaxday jaceylka.
    Aad baad u mahadsantahay walal Kamal Hassan Adnaan

    ReplyDelete
  2. Qormo macno badn badn ka hadlysa
    Xaqiiq jcylkn hada iyo kii hore farqi wyn ba u dhexeya .

    Mhdsnd kamaal hassan adnaan

    ReplyDelete
  3. Waa qormo runtii macna wayn ku fadhida, cadaysayna farqiga saxda ah ee udhaxeeya Ex jacayl iyo kan maanta.
    Bro Kamal Hassan Adnan
    I really appreciated for this article, because of it talks about reality of love in this moment that most of us ignored.
    Allah yaxfidaka brother aragti dheer leh.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Mazha allah geezi waxad na tustay ood noo ifisay qaab dhismeedka dhabta ee jacaylka ka dhaxeeya labada qof ee nolosha ku midoobaya inuu noqdo mid sidaa aad sharaxday ah, se waxa is waydiin mudan saamaynta khiyaaliga ah ee maanta dhalinteenu ku dhaqmaan waxyabaha keenay. Midna ii ogow wll qali inanay weli dhicin aanay dhici doonin inay bini aadamku dareenkan ayna ka wada dhabayn wuxuu yahay aanay siinayna qiimihisa iyo makaankii ama booskii loogu talagalay ilahayna dad gaara ku arzaqo waa sidan u arko markan taariikhda aadamaha dib u raacno, taasina waxa cadayn u ah dadka tirida yar ee lagu hayo dunida taariikhda ee ka dhabeeyay qiimihisa iyo quruxda u leeyay.

    MAHADSANID QORAA INAD NOQONAYSID QALINKAAGA QAABKAD UGU QORTAY AFKAARTADA CADAYNAYSA. HAMBALYO.

    ReplyDelete
  5. Waa qormo runtii macna wayn ku fadhida,
    Wll Kamaal Xasan Cadnaan Waad Ku mahadsantahay Sida aad noola wadaagtay qormadan cajiibka ah.

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  10. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete